849 Views

Guddoomiye Mursal” Maamul Goboleedyada go’aan kama gaari karaan qaabka ay noqoneyso doorashada”

Guddoomiye Mursal” Maamul Goboleedyada go’aan kama gaari karaan qaabka ay noqoneyso doorashada”
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 15  2020–Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal oo Maanta ka hor hadlayay Golaha Shacabka ayaa kasoo horjeestay qodobada qaar ee kasoo baxay Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada kajira dalka.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in Madaxda Dowlad goboleedyada aysan go’aan ka gaari karin nooca ay noqoneyso doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka,hayeeshee Go’aan ka gaarista ay leeyihiin Baarlamaanka.

“Meel ay ku qoran tahay ma jirto xilligaan in la aado doorasho dadban, wixii shuruuc ah ee doorasho lagu aadi lahaa waxaa iska leh Baarlamaanka malahan dowlad goboleedyada ayuu yiri Guddoomiye Mursal”.

Sidoo kale guddoomiyaha waxaa uu sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in la galo doorasho dadbadan,iyada oo Baarlamaanka ay ansixiyeen sharciga doorashooyinka oo dhigaya in la qabto doorasho qof iyo Cod ah.

Hadalka guddoomiyaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal ayaa u muuqda mid si cad uga hor imaanaya qorsha Madaxda Dowlad goboleedyada ay ku sheegeen in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof & Cod ah,hayeeshee loo baahan yahay in laga wada tashado sida ay noqoneyso.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post