693 Views

Trump oo sheegay in Mareykanka ay u taallo howl ka weyn gargaarka militeri ee Ukraine

Trump oo sheegay in Mareykanka ay u taallo howl ka weyn gargaarka militeri ee Ukraine
____________________________________________________________________________

Sabti: May 28, 2022

 Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay xildhibaanada Mareykanka inay mudnaanta siiyaan dhaqaalaha lagu bixiyo ammaanka iskuullada baddalkii gargaar militeri uu u diri lahaa Ukraine.

Isagoo ka hadlayay shir looga hadlayay hubka, ayuu Mr Trump su’aal galiyay sida “Mareykanku uu 40 bilyan oo doolar uu ugu dirayo Ukraine” balse uu ku guuldareystay sugidda ammaanka iskuullada dalkaas.

Magaalada Houston ee dalka Mareykanka waxaa ka socda shir ay isugu yimaadeen ururada ay ku mideysan yihiin hubka ee NRA, oo ah kooxda ugu badan ee heysata hubka Mareykanka.

Hadalka Trump ayaa yimid maalmo kadib markii 21 qof ay ku dhinteen toogasho ka dhacday iskuul ku yaalla gobolka Texas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post