1038 Views

SAWIRO:-Madaxweynayaasha Hir-Shabeelle & KGS oo dalab u diray Dowladda Qatar

SAWIRO:-Madaxweynayaasha Hir-Shabeelle & KGS oo dalab u diray Dowladda Qatar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 03, -2019 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo uu Wehlinaayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan Waxay la qaateen Lataliye Sare Ra”iisul Wasare ku Xigeenka Dowladda Qatar oo Safar kuso gaaray Magaalada Muqdisho.

 

Kulanka ayaa sidoo kale ay Goobjoog ka ahaayeen Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Binu Xamza Maalgashayaal iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed Ibraahim Cabduqaadir Mohamed.

 

 

 

Kulanka ayaa intuu uu socday waxaa looga hadlay sidii dalka oo kasoo kabana Marxaladihii uu soo maray ay Dowladda Qatar Mashariicda ay bixiso qeyb uga Noqon lahayd Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle.

 

Sidoo kale kulanka waxaa la isku dhaafsaday Fikrado lagu horumarin karo Xoojinta dib u dhiska dalka ka mira dhalka Hormarinta Mashaariicda iyo Shaqa Abuurka loo samaynaayo Bulshada Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa u mahadceliyey Dowlada Qatar Taageerada ay Siiyaan Shacabka iyo Dowlada Soomaaliyeed oo Ka taageera Dhinacyada Dib u dhiska Tayenta Ciidanka iyo Shaqa Abuurka ay u sameeyaan Shacabka soomaaliyeed Waxaana uu Xusay in loo Baahan yahay in Mashaariicdas ay Qeyb uga Noqon lahayd Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment