1581 Views

Koofur Afrika oo baareysa arrinta ku saabsan haweeneydii dhashay 10 carruur ah

Koofur Afrika oo  baareysa arrinta ku saabsan haweeneydii dhashay  10 carruur ah
____________________________________________________________________________

June 19 2021

Dowladda Koofur Afrika ayaa baareysa arrinta ku saabsan haweeney ka soo jeedda gobolka Pretoria ee dalkaas oo la sheegay inay dhashay 10 carruur ah, sida ay shaacisay wakaalad wararka ah oo dalkaas ka dhisan.

Weli ma jirto warbaahin xaqiijisay warkaas oo markii ugu horreysay ay toddobaakdii hore shaacisay warbaahinta Pretoria News.

Wasiirka arrimaha bulshada dalkaas Lindiwe Zulu ayaa yiri “Waxaa jira arrimo muhiim ah oo u baahan in la eego,”

Wuxuu sheegay inay baarayaan arrintan oo la yaab ku noqotay dadka.

Warbaahinta Pretoria News ayaa sheegtay inaysan beddeli doonin warkeedii ahaa in Gosiame Sithole ay dhashay 10 carruur ah 7-dii bishan June.

Waxay sidoo kale daabacday war ku saabsan in aabbaha uusan weli arkin carruurtiisa.

Ms Zulu ayaa diidday inay xaqiijiso amaba beeniso jiritaanka carruurta balse wasiirka ayaa sheegay in Madaxweyne Cyril Rampahosa mark ahore lagu wargelin doono natiijada baaritaanka kahor inta aan loo soo bandhigin dadweynaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post