1086 Views

Mareykanka oo ugu baaqay mucaaradka Tigray inay ka baxaan gobollada Amhara iyo Afar ee waqooyiga Ethiopia,

Mareykanka oo  ugu baaqay mucaaradka Tigray inay ka baxaan gobollada Amhara iyo Afar ee waqooyiga Ethiopia,
____________________________________________________________________________


Axad: October 31, 2021

Mareykanka ayaa ugu baaqay mucaaradka Tigray inay ka baxaan gobollada Amhara iyo Afar ee waqooyiga Ethiopia, halkaasi oo dagaalka uu sii xoogeystay.

Qoraal laga soo saaray Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa looga dalbaday TPLF inay hakiyaan ku siqitaankooda magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha.

TPLF ayaa horay u sheegtay inay magaalooyinkaasi la wareegtay inkastoo dowladda ay beenisay.

Ciidamada Tigreega ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya, ayaa sheegay iney qabsadeen magaalada istiraatiijiga ah ee Dase, ee katirsan ismaamulka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Afhayeen u hadley qawmiyadda Tigreega, ayaa lagu waramayaa inuu sheegay in ciidamadoodu ay hadda ku wajahan yihiin magaalada Kombolcha.

Dase waxey Addis Ababa u jirtaa wax ka yar 400km, haddii ay jabhaddu ku guuleystaan iney qabsadaan Dase, waxey noqon doontaa iney ku sii siqayaan koonfurta uggu fog ee gobolka Amxaarada.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post