177 Views

Ciidamada dhawaan la keenay Muqdisho & kuwa Booliska oo howlgal wadajir ah fuliyay

Ciidamada dhawaan la keenay Muqdisho & kuwa Booliska oo howlgal wadajir ah fuliyay
____________________________________________________________________________

Ciidamada Booliska qeybta Bari ee Gobolka Banaadir oo kaashanaya Boliiska sida Milatariga u tababaran ee dhawaan la keenay meelo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa howlgallo ka sameeyay xaafado katirsan degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.

Howlgalka oo uu hoggaaminayay taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo saraakii kale ayaa waxaa la sheegay inay Ciidamadu kusoo qabteen nin ilaa dhowr jawaan ay kujiraan waxyaabaha maanka dooriya ku waday Mooto Bajaaj.

Sidoo kale saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu soo qabtay laba Rag ah oo ku eedeysan inay kufsi u geysteen Gabar yar, isla markaana ku dhuumaaleysanayay Xaafado katirsan degmada Hiliwaa.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo kaashanaya kuwa Booliska sida Millateriga u tababaran waxaa ay kordhiyeen howlgallada lau xaqiijinayo amniga ee laga fulinayo degmooyinka Bari ee Gobolkan Banaadir.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post