372 Views

Ra’iisul wasaaraha UK ee xilka kasii degaya , oo Ukraine u xaqiijiyay taageerada Britain

Ra’iisul wasaaraha UK ee xilka kasii degaya , oo Ukraine u xaqiijiyay taageerada Britain
____________________________________________________________________________

Sabti: july 23, 2022

Ra’iisul wasaaraha UK ee xilka ka degaya Boris Johnson, ayaa u xaqiijiyay madaxweyne Volodymyr Zelensky in taageerada Britain ee Ukraine aysan marnaba libdhi doonin, cidda kasta oo ku guuleysata xilka hogaamiyaha ugu sarreeya dalkaasi.

Labada nin ayaa ku wada hadlay taleefoon si ay uga wada xaajoodaan dagaalka. Wadahadalka ka dib, Zelensky waxa uu Boris Johnson ku tilmaamay “saaxiibka weyn ee Ukraine”.

Johnson ayaa horaantii bishii hore iska casilay hogamiyaha xisbiga Conservative-ka ee Britain kadib markii ay soo baxeen fadeexado badan. Waxa uu sii ahaanayaa ra’iisul wasaare kumeel gaar ilaa inta lagu laga keenayo badalkiisa horaanta bisha Sebtembar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post