1026 Views

Blue Origin oo ah shirkad qaabilsan dalxiiska hawada oo sheegtay in Hoteel laga dhisayo hawada sare

Blue Origin oo ah shirkad qaabilsan dalxiiska hawada oo sheegtay in Hoteel laga dhisayo hawada sare
____________________________________________________________________________

Arbaco: October 27, 2021

 Blue Origin oo ah shirkad qaabilsan dalxiiska hawada oo uu leeyahay milkiilaha Amazom Jeff Bezos ayaa shaacisay qorsheyaal ay hawada sare ugu dhiseyso xarun ganacsi.

Shirkadda waxay sidoo kale sheegtay Isnintii inay ku rajo wentahay in xarunta ay howlgeli doonto 10 sano kadib, waxaana xaruntan loogu magac daray “Orbital Reef,”

Xaruntan ayaa isugu jiri doontaa ganacsiyo dhowr ah sida maqaaxi, waxay qaadi doontaa ilaa 10 qof.

Blue Origin waxay sheegtay in xarunta ganacsi ay ka hirgeli doonto hawada sare ay ku fadhin doonto 32,000 m oo isku wareeg ah, waxay macaamiisha ka heli doonaan goobo ay filimaanta ku qaadan karaan isla markaana ay cilmi baaris hawada sare uga soo sameyn karaan, waxaana xarunta ka marneyn maqaaxi.

Blue Origin waxay qorshahan kala kaashaneysaa shirkadaha Sierra Space iyo Boeing.

Waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan qiimaha ku baxayo qorshahan balse waxaa lagu wadaa inay ku baxdo dhaqaale badan maadama eff Bezos uu hadda ka hor $1bn oo doolar ku bixiyay maalgelinta shirkadda qaabilsan dalxiiska hawada ee Blue Origin

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post