1740 Views

Dowladda Soomaaliya Oo La Wareegeysa Isbitaala Ku Yaalla Muqdisho

Dowladda Soomaaliya Oo La Wareegeysa Isbitaala Ku Yaalla Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 17, 2018 –Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay dhawaan la wareegeyso Isbitaalo ku yaalla Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho,si loo hubiyo tayada Caafimaada ee dalka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xukuumadda Soomaaliya ay wado qorshayaal ay ugu yaraan kula wareegeyso laba Isbitaal oo ku yaala Muqdisho

 

Waxa ay sheegtay in kaliya muhiimada ay aheyd in la ansixiyo Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka si fowdad ay u yaraato,sidoo kalena ay dowladda awood u leedahay inay la wareegto Maamulka Isbitaalada qaar ee ku yaalla Magalada Muqdisho.

“Isbitaalada waan la wareegeynaa si tartiib tartiib ah,waana rajeyneynaa,waxayna ay noqon doontaa in dadka Soomaaliyeed ay adeeg tayo leh ee Caafimaad ka helaan dalka Gudihiisa ayay tiri Fowsiyo Abiikar Nuur.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment