348 Views

Garaad Mukhtaar Garaad Cali oo siwayn loogu soo dhoweeyay magaalada Laascaanood shalay

Garaad Mukhtaar Garaad Cali oo siwayn loogu soo dhoweeyay magaalada  Laascaanood shalay
____________________________________________________________________________

.

Axad: January 22, 202

Magaalada Laascaanood oo xarunta gobolka Sool waxaa shalay siwayn loogu soo dhoweeyay Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraalle oo kamid ah isimada dhaqanka ee SSC, Iyadoona ay horay deegaanka ugu sugnaayey qaar kamid ah madaxda dhaqanka ee deegaanku.

Qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa Garaadka kusoo dhoweeyay Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Midka Khaatumo.

Dadka deegaanka ayaa siwayn uga horyimid dhibaatooyinkii ay Somaliland ka waday gobolka, Sidoo kale waxaa dhowaan magaalada laga saaray ciidankii Somaliland, sidoo kalana deegaanado badan oo ka tirsan SSC ayaa kacdoonkii ka bilowday laascaanood uu faafay.

Madaxda dhaqanka ayaa la filayaa sidoo kale inay shir ku yeeshaan magaalada Laascaanood.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post