1386 Views

Gudoomiye Mursal oo War kasoo saaray Mooshinka & Xariga Roobow

Gudoomiye Mursal oo War kasoo saaray Mooshinka & Xariga Roobow
____________________________________________________________________________

Mogadishu, 15 December 2018 – Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan shir jaraa’id  oo uu ku qabtay hoteelka uu ka deganyahay Magaalada Muqdisho guddiga doorashooyinka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kaga dalbaday in ay dib u dhigaan doorashada Madaxweynaha maamulkaasi.

Waxa uu gudoomiye Mursal  dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in sifo aan sharci aheyn ay u xiritay  Rooboow oo uu sheegay in uu yahay Musharax buuxiyey shuruudihii looga baahnaa ee musharaxnimada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gudoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya ayaa u muuqda in uu dadaal ugu jiro sidii Mukhtaar Rooboow xuriyadiisa uu dib ugu heli lahaa, balse Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Rooboow uu weli aaminsanyahay fikirka waxa ay ku tilmaamtay xagjirnimada.

Sidaan oo kale kol sii horeysay ayuu gudoomiye Mursal sheegay in ay dowladda Soomaaliya ku qaldeyn soo xiritaankii Rooboow oo xiisad badani ay ka dhalatay, balse iminka waxa uu si cad kaga dalbanayaa in guddiga doorashooyinka maamulkaasi in ay dib u dhigaan doorashada ilaamaa jawi xasiloon laga helaayo oo lagau qabto doorashada.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment