1044 Views

Kheyre oo Amar siiyay Hay’addaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah

Kheyre oo Amar siiyay Hay’addaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 07, 2019 —Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hey’adaha caalamiga ah ee ka howl gala dalka, faray in sida ugu dhaqsaha badan si buuxda ay uga qayb qaataan dadaallada deegaannada Xeraale iyo Huurshe uga soo kabsanayaan saameyntii xumeed ee ay ku reebeen dagaalladii dhiigga badani ku daatay.

 

Waxaa uu sidoo kale ku amray  dhammaan hey’adaha dowladeed ee ku shaqada leh in adeegyada nolosha aasaasiga u ah ay geeyaan Huurshe iyo Xeraale si bulshadu uga soo kabsato dhibaatooyinkii ka soo gaaray colaadda.

 

 

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale bulshadda degaanaddaasi ka dalbaday Adkeynta Ammaanka iyo sare u qaadida adeegyadda nabadgaliyada kasoo ifbaxday degaanada Huurshe iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud.

 

Kheyre ayaa shalay gaaray magaalada Xeraale ee gobalka Galguduud si uu u hubiyo dhaqan gelinta heshiiskii nabadeed ee reer Huurshe iyo reer Xeraale ay ku wada saxiixdeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment