501 Views

Axmed Madoobe Oo La Kulmay Ergayga Dowlada Norway U Qaabilsan Soomaaliya

Axmed Madoobe Oo La Kulmay Ergayga Dowlada Norway U Qaabilsan Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Talaado: January 11, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland  Ahmed Mohamed Islaam (Axmed madoobe) ayaa kulan la qaatay ergayga Dowladda Norway u qaabilsan Soomaaliya.

Kulankan oo Madaxweynaha uu ku wehelinayay Gudoomiyaha Gobolka Jubada Hoose, Cabdirashiid Cabdullahi Gooni ayaa lagaga hadlay arrimo kala duwan oo ku aaddan siyaasadda dalka,gaar ahaan xaaladaha siyaasadedeed ee maamulka Jubbland.

Kulankaasi dhexmaray Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo ergayga Dowlada Norway u qaabilsan Soomaaliya Heidi Elburgi Johansen, ayaa si gaar ah loogu faaqiday arrimaha  doorashooyinka iyo tageerada Dowlada Norway ee dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska dalka.

Dhawaan madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa ka qayb galay Shirka Golaha wadatashiga qaran, kaasi oo lagu saxay habracyadii hore ee doorahooyinka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post