597 Views

Ukrain: Ruushka oo duqeeyay Donbas iyo Midowga Yurub oo ka hadlay sii adkeynta Cunaqabateynta Moskow

Ukrain: Ruushka oo duqeeyay Donbas iyo Midowga Yurub oo ka hadlay sii adkeynta Cunaqabateynta Moskow
____________________________________________________________________________

Talaado: July 19, 2022

Dowladda Ukraine ayaa ku dhawaaqday in duqeymaha Ruushku uu ka geystay bariga Donbass ay dad badan oo rayid ah ku dhinteen, iyadoo Wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ay ka wada hadleen xoojinta cadaadiska dhaqaale ee saaran Moscow.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku nuux-nuuxsaday in dalkiisu aanu isu dhiibi doonin cunaqabataynta saaran.

Hay’adda Gurmadka Degdegga ah ee Ukraine ayaa sheegtay in 6 qof lagu dilay shalay oo Isniin ahayd  duqeyn uu Ruushku ka geystay magaalada Toritsk ee Donetsk ee gobolka Donbass.

Guddoomiyaha Donetsk ee Ukraine, Pavlo Kirilenko, ayaa sheegay in duqeymaha Ruushka ee gobolka uusan kala joogsi lahayn.

Waxa uu intaa ku daray in 4 weerar uu Ruushku shalay la beegsaday magaalada Kramatorsk, isagoo ugu baaqay dadka deegaanka inay isaga baxaan halkaa.

Dhanka kale, Xafiiska Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in duqeyntii Ruushka ay shalay la beegsatay 7 gobol oo Ukraine ka tirsan, xilli saraakiisha Ukraine ay xaqiijiyeen in duqeymaha Ruushka uu ka geysanayo goobaha ay dadka degan yihiin uu uga gol leeyahay in lagu faafiyo Cabsi gelin dadka ree Ukraine.

Inkasta oo Ruushku uu si buuxda u la wareegay gacan ku heynta gobolka Lugansk, ciidamada Ruushka ayaa doonaya in ay maamulaan gobolka ay deriska yihiin ee Donetsk, sidaas darteedna ay weeraro ku qaadayaan magaalooyinka ku haray gacanta ciidamada Ukraine, sida Sloviansk, Kramatorsk iyo Bakhmut.

Ciidamada Ukraine  ayaa ku dhawaaqay barqonimadii maanta, in gobolka Odessa lagu bartilmaameedsaday 7 gantaalada ridada dheer ee Ruushka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha magaalada Kharkiv, Oleh Sinehopov, ayaa sheegay in kun qof oo rayid ah oo reer Ukraine ah ay shalay ka gudbeen deegaannada Ruushku maamulo ee gobolkaasi, una tallaabeen deegaannada uu Ukraine ay ka taliso.

Arrimahan ayaa imaanaya iyadoo hadallo ka soo baxay saraakiisha labada dhinac ay muujinayaan in xawliga dagaalku uu sii xoogeysan doono xilliyada soo socda, iyadoo ay muuqato diyaar garowga Ruushka uu ku billaabayo wejiga cusub ee duullaanka oo billowday 24-ka bishan February.

Ciidamada Ukraine ayaa barqanimadii maanta ku dhawaaqay in ay fuliyeen weerarro lagu burburiyay Saddex bakhaar oo rasaasta Ruushka ah oo ku yaalla gobolka Kherson ee koonfurta ee dalka Ukraine.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post