1002 Views

Hogaamiyihii mucaaradka Rwanda Seif Bamporiki oo lagu dilay Koonfur Afrika oo uu muddo musaafuris ku ahaa .

Hogaamiyihii mucaaradka  Rwanda Seif Bamporiki oo lagu dilay Koonfur Afrika oo uu muddo musaafuris ku ahaa .
____________________________________________________________________________

February 22, 2021

 Hogaamiyihii mucaaradka dalka Rwanda Seif Bamporiki ayaa lagu dilay dalka Koonfur Afrika oo uu muddo musaafuris ku ahaa .

Geerida hogaamiyahan waxaa xaqiijiyay mas’uuliyiin ka tirsan xisbigiisa oo lagu magacaabo Rwanda National Congress (RNC) .

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Cape Town, waxaana Seif lagu dhuftay hal xabo isaga oo gaarigiisa dhax fadhiya.

Waxaa laga qaatay taleefankiisa gacanta iyo boorsada jaabka ee lacagta lagu qaato.

Macadda cidda ka danbeysay dilka, booliska Koonfur Afrika ayaa weli waxay baarayaan sida ay wax u dhaceen iyo sababta dilka ka dambeysay.

Dowladda Rwanda ayaa waxaa horay loogu dhaliilay in ay raadsato mucaaradka ku kacsan ee dalka dibadiisa jooga.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post