1095 Views

Madaxweyne Deni “Puntland weli dagaal ayay ku jirtaa”

Madaxweyne Deni “Puntland weli dagaal ayay ku jirtaa”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 16 2019 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay qorshaha ay xukuumadda Puntland wado ee ku saabsan maalgashiga iyo dagaalka ay puntland kula jirto Al-Shabaab & Kooxda Daacish.

 

Waxaa uu sheegay in ay jiraan shirkado badan uu Caalami ah oo lagu qanciyay inay Puntland howlo maalgashi ah ka fuliyaan,isla markaana amniga Puntland uu yahay mid wanaagsan,balse ay jiraan Kooxo yar yar oo ku dhuumaaleysanaya Buuraha sida uu hadalka u dhigay.

 

 

 

Isaga oo Wareysi siinayay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliya ayuu soo hadal qaaday dagaalka ay Puntland kula jirto Shabaab iyo Daacish,waxaana uu sheegay in xilligaan Al-Shabaab iyo Daacish inaysan awood u laheyn inay weeraro ka fuliyaan deegaannada Puntland taasina ay ku timid Ciidamada Puntland oo had iyo jeer difaac ku jira.

 

Ugu dambeyn Madaxweynme Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland ay weli dagaal ku jirto Al-Shabaab & Daacish,isla markaana qorshaha maalgashiga ku saabsan uusan bilaaban doonin ilaa deegaannada qaar ay ku sugan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish laga saarayo.

 

Hadalka Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kusoo aadaya xilli shalay Magalada Garoowe ee Gobolka Nugaal uu ka furmay Shirka Maalgashiga Puntland,kaas oo ay ka qeyb-galayaan Maalgashadayaal caalami ah, Ganacsato Soomaaliyeed, siyaasiyiin, Hay’addo caalami ah iyo masuuliyiin kale.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment