900 Views

Ha’yadda NASA ee maamusho Hawada Sare ee Mareykanka oo dhaleeceysay Shiinaha

Ha’yadda NASA ee  maamusho Hawada Sare ee Mareykanka oo  dhaleeceysay Shiinaha
____________________________________________________________________________

May 9, 2021

Ha’yadda maamusho Hawada Sare ee Mareykanka ayaa dhaleeceysay Shiinaha isla markaana sheegtay inuu xakameyn waayay mid kamid gantalladiisa fakaday ee badda kusoo dhacay.

Ha’yadda NASA waxay sheegtay in Shiinaha uu ku guuldareystay in uu raaco mas’uuliyadda ah in uu qaado tallaabo ka hor inta aanan gantaalka baxsan.

Shiinaha ayaa doordibay in gantaalka uu si iskiis ah usoo laabto inkasta oo ay xakameyn kareyn, Shiinaha wuxuu in arrintaas ay tahay mid caadi ah balse dalalka kale ayaa qabaa in gantaallada hawada sare loo diro loo soo dejiyo si xakameysan.

Balse Shiinaha ayaa qiray in gantaalkan oo dhulka ku soo wajahnaa uu burburkiisa ku soo dhacay Badweynta Hindiya meel u dhaw jasiiradda Maldive.

Dhawaan ayay aheyd markii Mareykanka uu sheegay in qorshaha uusan ugu jirin inay soo ridaan gantaalka balse ay ku rajo weynaayeen in uu kusoo badda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post