1425 Views

Maxaad kala socota dheymanka ‘hawada sare ka soo dhacay’ ee qaaliga ah lagu iibinayo?

Maxaad kala socota dheymanka ‘hawada sare ka soo dhacay’ ee qaaliga ah lagu iibinayo?
____________________________________________________________________________

Arbaco: February 9, 2022

Dheemman madow oo bilyan sano jira, oo la rumeysan yahay inuu yahay dheemanka ugu weyn caalamka , ayaa waxaa socda qorsho lagu xaraashayo. Waxaa jira aragtiyo kala duwan oo ku saabsan asalka halka uu ka yimid dhagaxa, oo lagu magacaabo The Enigma.

Dhagaxan ayaa loo arkaa inuu aad ugu culus yahay dheemanka, oo miisaankiisu la mid yahay mooska.

Dhagaxa ayaa la wadaa in lagu iibiyo qiimo dhan $6 milyan oo doolar islamarkana waxaa lagu xaraashayaan suuqa xaraashka ee Sotheby ee London marka la soo xiro dalabka online-ka todobaadka soo socda.

Dhagaxu waa nooca loo yaqaano carbonado, mid ka mid ah noocyada ugu adag ee dheemanka dabiiciga ah.

Dheemanka madow inta badan waxa uu jiraa ilaa 2.6 ilaa 3.2 bilyan sano. Dhulkaqudhiisa waxa uu jiraa ilaa 4.65 bilyan oo sano, sidaa awgeed aad ugama da’weyna dheemanka madow.

Dheymanka nooca Carbonados ayaa aad bey naadir tahay waxaana kaliya laga helay Brazil iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Wuxuu dheymanka noocan ah ka kooban yihiin noocyada osbornite, macdanta meteors, waxaa la aaminsan yahay inay ka ay ka yimaadeen hawada sare, balse asalkooda saxda ah waa mid qarsoon.

Aragtida kala duwan ayaa ah in laga yaabo in dheemanka madow uu ku sameysmay hawada sare ka hor inta uusan dhulka ku soo dhicin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post