543 Views

la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka

la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Axad: February 20, 2022

Mgaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka socota doorashada lix kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadooda ay tahay HirShabelle.

Doorashada ayaa waxaa lagu horreysiiyey kursiga HOP#086 oo uu u tartamayey la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaas oo doorashadiisa aad isha loogu hayey.

Kursigan ayaa waxaa sidoo kale isku soo taagay hal musharrax oo la tartamay Fahad, kaas oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Axmed wuxuuna u ahaa malxiis, maadaama kursigan si gaar ah loogu xiray La-taliyaha amniga qaranka oo ay aad isugu dhow yihiin Farmaajo.

Fahad Yaasiin ayaa helay 70 cod, halka musharixii tartamayey uu isna helay 24 cod, sidoo kale waxaa hallaabay 3 cod, sida uu shaaciyey Guddiga SEIT ee HirShabelle.

Sida la fahamsan yahayFahad Yaasin ayaa u tartami doono xilka guddoomiye ku xigeenka ee baarlamaanka Soomaaliya, xilkaas oo uu horey u hayey Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo daaqadda laga saaray, kadib markii uu kursigiisa kusoo baxay nin kale.

Si kastaba, Fahad Yaasiin ayaa dib ula midoobi doono saaxibadiisii C/llahi Kulane iyo Yaasiin Farey oo iyaguna horey loogu doortay ka mid noqoshada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post