924 Views

Dheemankankii ugu waynaa oo laga helay dalka Botswa

Dheemankankii ugu waynaa oo laga helay dalka  Botswa
____________________________________________________________________________

Isniin June 21

Dheemankan ayaa la rumeysan yahay inuu yahay kan saddexaad ee uggu weyn ee dunida, iyadoo dhanka kalana uu yahay kii uggu cuslaa abid ee laga helo dalka Botswana.

Nooca dheemanka ee la dhaho Gemstone – culeyskiisuna yahay 1,098 carats, ayaa la rumeysan yahay inuu daaha ka rogey Madaxweyne Mokgweetsi Masisi, laba toddobaad kadib markii shirkadda dheemanka, Debswana, ay heshay.

Dhagaxan ayaa ka fudud dhagaxii labaad ee uggu cuslaa ee laga helay isla dalkan Botswana sanadkii 2015-kii. Botswana waa dalka dheemanka uggu badan qaaradda Africa soo saara.

Wasiirka macdanta ee Botswana, Lefoko Moagi, ayaa sheegay in daah ka rogiddii u danbeysay ay timid, ka gadaal markii cudurka saf mareenka ee Covid19 uu hoos u dhac ku keenay dheemanka dibadda loo iibgeeyo ee dalkani.

Dheemankii uggu weynaa ee shaaca laga qaado wuxuu ahaa culeyskiisa 3,106 carrots, kaasoo laga helay Koonfur Africa 1905-tii, halka kan labaad ee uggu weyn uu ahaa culeyskiisa 1,109 carats, iyadoo ay ka heshay shirkadda Lesedi La Rona Botswana sanadkii 2015-kii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post