783 Views

Hay’adda FAO oo sheegtay inay kordhisay howlgalada lagu xakameynayo ayax Soomaaliya.

Hay’adda  FAO oo  sheegtay inay kordhisay howlgalada lagu xakameynayo ayax Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

Sabti: July 10- 2021

 

Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa sheegtay inay kordhisay howlgalada lagu xakameynayo ayax raxan u socda oo aad u farabadan oo aan weli qaan gaarin ee waqooyiga galbeed ee Soomaaliya.

Warbixinteedii ugu dambeysay ee ay soo saartay (FAO), ayay hay’adda cunnada ee Qaramada Midoobay ku sheegtay in ayax lagu arkay sahaminta gobolka waqooyi bari ee Puntland.

Waxa ay shaaca ka qaaday FAO in ayax buufitaankiisu uu  wali ka socdo xeebta waqooyi-galbeed Somaliland sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday hay’adda cunnada iyo beeraha ee Qaramada Midoobay ee FAO.

Waxay sheegtay in waxtarka sahaminta iyo hawlgallada xakamaynta ee hadda ka socda waqooyiga Soomaaliya iyo bariga Itoobiya ay saamayn ku yeelan doonto baaxadda socdaalka qulqulaya ee ku wajahan waqooyi-bari Itoobiya.

Hay’adda UN-ka ayaa sheegtay in qaar ka mid ah raxan raxan ay bilaabeen inay usoo baxaan maaddaama uu ayaxan uu qeybo badan oo kamid ah beeraha Soomaaliya ka baabi’iyey dalagyadii kadib markii sanadkii 2020kii uu lagu arkay dhul badan oo kamid ah dhulka ay Soomaalidu degto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post