750 Views

Dad ay Soomaali ku jiraan oo ku dhibaateysan Xabsiyada libya

Dad ay Soomaali ku jiraan oo ku dhibaateysan Xabsiyada libya
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | December 4,, 2020 –
Kumannaan qof oo ajaanib muhaajiriin ah ayaa in sanad ahba waxa ay dhibaatooyin kala duwan ku wajahayeen gudaha waddanka Liibiya.

Dadkaas oo ay ku jiraan Soomaali dhalinyaro u badan ayaa waxa ay ka cawdaan in maskax iyo jir ahaanba dhibaato wayn la soo gaarsiiyay.

“Silic iyo rafaad waan kusoo qeybsanay..in nala jiddilo, in nagula dibciyo baco, koronto nagula qabto, silic xanuun badan, gabdhaha ajaaniibta faraxumeyneyso adigana aad waxbo ka qaban karin” ayuu yiri wiil soomaaliyeed oo ku sugan xero ku taalla dalka Liibiya.

Arrinta waxaa uga sii daray Liibiya oo aanay ka jirin dowlad awood leh oo dalka oo dhan gacanta ku haysa, taas oo dadka dadka tahriibiya u sahasha inay waxa ay doonayaan ku sameeyaan muhaajiriinta.

Haatanse waxaa muhaajiriinta soo karay dhibaatadii oo qaar badan oo ka mid ah ayaa bilaabay inay isu diiwaangeliyaan sidii dib loogu celin lahaa dalkooda hooyo.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post