2106 Views

Madaxweyne Xaaf Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Mooshin Laga Gudbiyey

Madaxweyne Xaaf Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Mooshin Laga Gudbiyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 15, 2018 –  Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug oo ku Shiray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxa ay Mooshin ka gudbiyeen Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug.

Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa gaaraya ilaa iyo 97 Xildhibaan oo kamid ah kuwa ku sugan Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug,Horayna waxa ay u sheegeen iney xilka ka qaadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Dhinaca kale xildhibaano ku shiray goordhow Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud oo gaareyay ilaa 47 mudane ayaa iyana waxa ay sheegeen inay Mooshin ka gudbiyeen Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaa,sida uu sheegay guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa waxa uu hadda ku sugan yahay Magaalada Cadaado oo shalay uu gaaray halkaasi.

Sidoo kale waxaa shalay gaaray Magaalada Cadaado Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay sheegeen in xilkii ay ka qaadeen.

Waxaa hada Magaalada Cadaado ka socdo kulamo gooni gooni ah oo ay wadaan Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug,kuwaasi oo looga hadlayo Xiisada Siyaasadeed ee ka dhexjirta Madaxda ugu sareeysa maamulka Galmudug.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment