927 Views

Ciidamada AMISOM oo looga digay in loo adeegsado doorashada Jubbaland

Ciidamada AMISOM oo looga digay in loo adeegsado doorashada Jubbaland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 31, 2019 —Xilli dhawaan la filayo inay Magalada Kismaayo ka dhacdo doorashada Maamulka Jubbaland ayaa waxaa Ciidamada AMISOM ee k  sugan Magaladaas looga digay in loo adeegsado ama ay farageliyaan doorashada Maamulka Jubbaland.

 

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil ( Xasan Yare) oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in jubbaland ay xilligaan joogto in loo madax banneeyo doorashada,isla markaana aan wax faragelin ah lagu sameyn.

 

 

 

Waxa uu sheegay in jubbaland ay leedahay Ciidamo kala duwan,sida Boolis, Nabadsugid iyo Ciidamo kale,hayeeshee Ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo uu uga digayo in loo adeegsado doorashada, balse ay qaataan doorkooda oo ah la-dagaalanka Al-Shabaab.

 

Sidoo kale Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo sii hadlayay ayuu sheegay in Ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo kaliya ay ku Shaqeyn karaan amarka Hoggaanka Jubbaland, balse aan loo adeegsan waxyaabo kale oo la xiriira dhinaca Siyaasada.

 

Hadalka Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil ayaa kusoo aadaya xilli maalmahaan la hadal haayay in Ciidamada Itoobiya oo ka mid ah AMISOM eek u sugan Kismaayo ay faragelin ku sameynayaan doorashada Jubbaland si la mid ah dhacdooyinkii ka dhacay Magalada Baydhabo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment