960 Views

Kenya oo walaac ka muujisay halis amni oo ka imaan karta dhageysiga kiiska Badda ee Maxakamadda ICJ

Kenya oo  walaac ka muujisay halis amni oo ka imaan karta dhageysiga kiiska Badda ee Maxakamadda ICJ
____________________________________________________________________________

2da Maarso, 2021

Dowladda Kenya ayaa walaac ka muujisay halis amni oo ka imaan karta dhageysiga kiiska Badda ee Maxakamadda ICJ ay billaabweyso 15-ka bishan March, maadaama laga dhigayo qaab muuqaal ah.

Dhageysiga kiiska – oo dhowr jeer dib loo dhigay – ayaa lagu wadaa in lagu hirgaliyo adeegga ZOOM-ka ee sida maqalka iyo muuqaalka ah loogu xiriiro.

Hase yeeshee Kenya ayaa cabasho ka muujisay arrimo ay ka mid yihiin sida loo sugi karo amniga xogta iyo markhaatiyaasha, iyadoo ay dhici karto in burcadda internet-ka ay carqaladeeyaan dhageysiga kiiska, sida uu qoray wargeyska The Star ee kasoo baxa magaalada Nairobi.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku gacan seyrtay codsi ay Kenya maxkamadda u gudbisay oo ahaa in mar kale dib loo dhigo kiiska, waxaana markii dambe arrintaas diiday garsoorka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ).

Arrimaha ay Kenya ka cabsi qabto waxaa ka mid ah sida loo sugi karo amniga aqoonsiga shakhsiyeed ee markhaatiyaal la sheegay in ay yihiin dad Soomaali ah oo la safan dhinaca Kenya.

Sidoo kale waxa ay xukuumadda Nairobi ka cabatay in loo oggolaaday afar qof oo wakiil uga noqda dageysiga kiiska, sidaasna ay ku weyn karto markhaatiyaal uga qeyb gali lahaa dacwadda.

Cudurka safmarka ah ee Covid-19 ayaa sababay in kiisaska maxkamadda ICJ qaarkood ay khasab oqoto in lagu dhageysto adeegga ZOOM-ka.

22-kii bishii April ee sanadkii 2020-kii ayey maxkamadda ICJ yeelatay kulankii ugu horreeyay abid ee Maqal iyo Muuqaal ah, kaasoo ay xitaa qeyb ka ahaayeen madaxweynaha maxkamadda iyo diiwaangaliyaha.

War ay soo saartay maxkamaddu ayey ku sheegtay in si buuxda loogu diyaar garoobay fulinta dhageysiga loo adeegsanayo ZOOM-ka, kaas oo dhowr jeer la fuliyay tan iyo markii uu dillaacay cudurka safmarka ah.

Ma khasab baa dhageysiga loo adeegsanayo Zoom-ka?

Sida uu dhigayo Xeerka Xuquuqda Aadanaha Caalamiga ah ee ay ICJ ku dhaqanto, qof walba oo dacwad dambi ku wajahaya maxkamaddan wuxuu xaq u leeyahay in uu goob joog ka noqdo hoolka maxkamadda.

Kiisaska khuseeya dalalka ayaa loo oggol yahay in marka ay xaaladaha noocan ah jiraan loo dhageysto qaab maqal iyo Muuqaal ah, ama in qoladii rabta ay maxkamadda ku xaadirto.

Hase yeeshee Kenya ayaa horay uga cudur daaratay in ay maxkamadda tagro, iyadoo sheegtay in saameynta Covid-19 aysan saamaxeynin tallaabo noocaas ah.

Kiisaskii ay Maxkamadda ICJ ku dhageysatay adeegga ZOOM-ka

Tan iyo markii uu fiday fayraska corona, waxaa yaraaday howliii maxkamadaha ee tooska ahaa iyo kiisaskii dhageysigooda shacabku ka qeyb gali jireen

ICJ waxay qeyb ka noqotay maxkamadahaas, hase yeeshee ugu dambeyn waxaa la hirgaliyay in kiisaska qaar lasii wado iyadoo loo adeegsanayo qaab Maqal iyo Muuqaal ah, halka kuwo kalena si toos ah loo fuliyay.

1- Kiiska Guyana iyo Venezuela

Bidhii June, 2020-kii, waxay maxkamaddu go’aan ka gaartay kiis u dhaxeeyay dalalka Guyana iyo Venezuela, kulankaasna wuxuu u qabsoomay qaab maqal iyo muuqaal ah.

Garoosereyaasha qaar ayaa ku sugnaa maxkamadda halka qaar kale iyo wakiillada dalalkuna ay uga qeyb galeen muuqaalka adeegga Zoom-ka.

Dalalka Guyana iyo Venezuela ayaa isku heystay kiis soo jiitamayay muddo dheer oo ku saabsan xadka u dhaxeeya labada waddan ee uu asteeyay gumeysigii Ingiriista sanadkii 1899-kii.

2- Kiiska Iiraan iyo Mareykanka

14-kii September 2020 – 21-kii September 2020, Maxkamadda ICJ waxay qaab maqal iyo muuqaal ah ku dhageysatay kiis u dhaxeeya Iiraan iyo Mareykanka.

Kiiskaas wuxuu ku saabsanaa eedeymo la xiriira ku xad gudubka heshiiska xiriirka saaxiibtinnimo, dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee la saxiixay 1955-kii.

Waxaa dhageysi daah furan lagu sameynayay dood ay dowladda Mareykanka ka qabtay arrimahaas.

3- Kiiska Qadar iyo Imaaraadka Carabta

31-kii bishii August, 2020-kii – 7-dii September 2020, garsooreyaasha maxkamadda ICJ waxay go;aanno kasoo saareen kiis u dhaxeeya dalalka Qadar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

Kulankaas oo wakiillo labada dal ka kala socda ay ka qeyb galeen ayaa ku qabsoomay hab Maqal iyo Muuqaal ah, waxaana la isticmaalayay adeegga Zoom-ka.

Labada kiis ee la xiriira Qadar – Imaaraadka Carabta iyo Iraan – Mareykanka ayaa bishii February ee lasoo dhaafay mar kale loo dhageystay qaab toos ah oo aan muuqaal ahayn.

Kiiska afaraad ee la filayo in uu qaabkaas u dhaco waa midka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ku muransan xadka dhinaca badda.

Horaantii bishii lasoo dhaafay ayey Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ gaashaanka ku dhufatay dalab uga yimid Kenya oo dooneysay in dib loo dhiga dhageysiga dacwadda kala dhexeysa Soomaaliya.

Sida lagu sheegay qoraal ay maxkamdda u dirtay dowlada Soomaaliya, dhageysiga dacwadda ayaa la billaabi doonaa 15-ka bisha March sida markii horeba qorshuhu ahaa.

“Ka dib markii ay maxkamaddu tixgelisay doodaha labada dhinac ay soo gudbiyeen ayaa waxay go’aansatay in jadwalka dhageysiga u sidiisii ahaado, wuxuuna billaabanayaa 15-ka march 2021”, ayaa lagu yiri qoraal ay maxkamaddu u dirtay dowladda Soomaaliya oo dacwaddan maxkmadda gaysay 7 sano ka hor.

Kenya ayaa sheegtay in sababta ay dib u dhigista u dalbatay ay tahay in uu saameeyay fayraska corona si buuxdana aysan ugu diyaar garoobin kiiska.

Jadwalka dacwadda ee ay maxkamadda soo saartay

Wuxuu dhageysiga billaabanayaa 15-ka bisha March, 2021-ka, waxaana la wadi doonaa ilaa 4 maalmood.

Isniin, 15 March, (10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

Arbaco, 17 March, ((10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

Khamiis, 18 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda labaad.

Jimce, 19 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda labaad.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post