1602 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qado sharaf u sameeyay guddoomiyeyaasha dowlad goboleedyada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qado sharaf u sameeyay guddoomiyeyaasha dowlad goboleedyada
____________________________________________________________________________


Khamiis: November 4, 2021

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta hoygiisa qado sharaf ugu sameeyay guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa la isku xog wareystay xaalada guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, waxay ku baaqeen in la dardar geliyo dhameystirka doorashooyinka.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanada dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa ka qeyb galay kulanka guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland mudane Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Nuur Gacal, guddoomiye Baarlamaanka dowlad goboleedka Koofur galbeed Mudane Cali Saciid Fiqi, iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Mahad Xasan Cusmaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post