1353 Views

Askari Turki ah oo lagu dilay gudaha Ciraaq kadib dagaal dhexmaray PKK

Askari  Turki ah oo lagu dilay gudaha Ciraaq kadib  dagaal dhexmaray PKK
____________________________________________________________________________

Jimco 12/2/2021

Ugu yaraan saddex kamid ah ciidamada Turkiga ayaa lagu diley gudaha wadanka Ciraaq, kadib markii kooxda Kurdiyiinta( PKK) iyo Ciidamada Turkiga dagaal ku dhexmaray Gobalka Dohuk ee waqooyiga waddanka Ciraaq.

Wasaarada difaaca Turkiga oo qoraal soo saartay ayaa xaqiijisay geerida saddexdan askari ee kamid ahaa ciidankooda hawlgal u jooga dalka Ciraaq.

Militeriga  Turkiga iyo Kooxa PKK iyo YGP ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal muddo socda. Waxaana kooxahan ay Ankara u arragtaa argagexiso ka dhan ah amniga Turkiga.

Inta badan xuduuda Turkigu uu la wadaago wadamada Ciraaq iyo Suuriya ayey Xoogaga Ankara kula dagaalameyaan Kooxahaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post