1581 Views

Dowladda Soomaaliya oo Boqortooyada Marooko ugu hambalyeysay sanad guurada 66 aad ee Gobonnimada dalkaas

Dowladda Soomaaliya oo Boqortooyada Marooko ugu hambalyeysay sanad guurada 66 aad ee Gobonnimada dalkaas
____________________________________________________________________________


khamiis: November 18, 2021

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Boqortooyada Morooko oo ku saabsan 66 guurada ka soo wareegtay Maalinta Gobonnimada Dalkaas..

“Waxa aan hambalyo diirran u diraynaa Boqorka, Dowladda iyo Dadka Boqortooyada Marooko, munaasabadda 66 guurada ka soo wareegatay Maalinta Gobonnimada dalkaasi oo ku beegan maanta oo ah 18 November, waxa aan u rajaynaynaa nabadgelyo iyo xasilooni waarta, horukac, xowli u socoshada dib-u-curashada iyo horumar ballaaran, xiriirka labo geesoodka ee labadeena dal ee walaalaha ah u dhexeeyana uu horseedo horumar iyo barwaaqo”. Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxa ay xiriir dhow la leedahay Marooko, waxa ayna si rasmi ah u furanaysaa safaaraddeeda si loo xoojiyo xiriirka iyo wax wada qabsiga, lana ballaariyo iskaashiga laba geesoodka oo la gaarsiiyo dhinacyo badan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post