837 Views

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sheegay in xukuumadda ay ka dab qaadanaysa Madaxweynaha Waqtigiiso dhamaaday

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sheegay in xukuumadda ay ka dab qaadanaysa Madaxweynaha Waqtigiiso dhamaaday
____________________________________________________________________________

5– Marso, 2021

Xili xalay uu fashil ku dhamaaday shirkii u socday Midowga Musharaxiinta iyo Xukuumada Rooble ayaa Waxaa arintaas ka hadlay Musharixiinta oo fashilka shirkaas Dusha u saaray Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka dab qaadanaysa Madaxweynaha Waqtigiiso dhamaaday ay ku adkeysatay in qodobadii heshiiska aysan aqbalin.

Waxaa uu ku eedeeyay ra’iisul wasaare Rooble mid aan la heyn go’aanka doorashooyinka dalka taa badalkeeda uu uga dambeeyo Madaxweynaha waqtigiiso dhamaaday ee Farmaajo oo uu sheegay in uu si joogto ah farriimo ugu soo dirayay.

“Shirka waxaa fashiliyay dadka farriimaha u soo dirayay Rooble oo ah mid aan aqoon awooddisa dastuuriga ah” ayuu yiri Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaam Cabdishakuur Warsame

Sidoo kale Xukuumada ayaa eeda dusha u saartay Midowga Musharixiinta oo ay sheegeen in uu shirka Fashiliyay.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post