1293 Views

Musharaxiinta xilka Madaxweynaha oo shir la leh culimada Soomaaliyeed

Musharaxiinta xilka Madaxweynaha oo shir la leh culimada Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 24, 2020 –Shirka Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta galay maalintii Afaraad ayaa waxaa lagu casuumay Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed oo laga dhageystay taladooda, waxaana lala wadaagay dareenka ay qabaan Musharrixiinta.

Waxaa la filayaa in maanta ay sido kale shirka kusoo biiraan ganacsatada Soomaaliyeed.

Wakiilada beesha caalamka oo aalada Zoomka kaga qeyb galaya, ayadoona gelinka dambe ee maanta la rajeynayo in lasoo gabogabeeyo shirka, lagana soo saaro war-murtiyeed ay ku mideysan yihiin musharixiintan oo ku aadan doorashada 2020 – 2021 ee Soomaaliya.

Musharaxiinta xilka  Madaxweynaha ayaa horay ula kulmay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post