270 Views

Ninkii aasaasay shirkadda cryptocurrency ee lacagaha oo lagu xiray Bahamas

Ninkii aasaasay shirkadda cryptocurrency ee lacagaha oo lagu xiray Bahamas
____________________________________________________________________________

Khamiis: DECEMBER 15, 2022

Garsoore ku sugan Bahamas ayaa sheegay in aasaasihii shirkaddii burburtay ee sarrifka lacagaha qaabka onl-nka lagu kala wareejisanayay ee loo yaqaani cryptocurrency, FTX, loo diido dammaanad laguna sii hayo xabsiga jasiiradahaasi ilaa bishii February.

Sam Bankman- Fried ayaa farta ku fiiqay in uu ka hortagi doono in loo gacan geliyo Mareykanka.

Maamulka Bahamas ayaa soo gudbiyay dacwado ka dhan ah , ninkani taasi oo ay ku jirto in uu maleegayay khiyaano iyo wax dabamarin.

Waxa kale oo uu wajahayaa eedaymo madani ah, oo ay ku jiraan majaro-habaabinta maalgashadayaasha kuwaas oo shirkadda galiyay in ka badan 1 bilyan oo doolar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post