570 Views

Madaxweyne laftaagreen oo shacabka Koonfur galbeed ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan dhagarta shabaab

Madaxweyne  laftaagreen oo shacabka Koonfur galbeed ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan dhagarta shabaab
____________________________________________________________________________

April 13-4-2021

Xili saakay ay bilaabatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftaagreen) waxaa uu ka hadlay xaaladaha amniga iyo cudurka safmareenka ah ee COVID-19.


Madaxweynaha ayaa marka hore Shacbaka degaannada Koonfur Galbeed ugu hambalyeeyay Curashada Bisha Barakeeysan ee Ramadaan, waxaana uu bulshada ugu baaqay inay dadka kale aan wax heysan ay caawiyan.

Isaga oo sii hadlayay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa uu sheegay in dalka uu wajahayo xaaladi culus sida amni darro iyo cudurka COVID-19, waxana Bulshada ku nool degaannada Koonfur Galbeed uu ugu baaqay inay feejignaan muujiyaa, kana digtoonadaana weerarada ay geystaan Al-Shabaab.


Degaannada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay geystaan Ururka Al-Shabaab iyo howlgallo ay siwadajir ah u fuliyaan Ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta koonfur Galbeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post