993 Views

C/Rashiid Janan oo ka hadlay wararka sheegayay inay is khilaafeen Farmaajo & Fahad

C/Rashiid Janan oo ka hadlay wararka sheegayay inay is khilaafeen Farmaajo & Fahad
____________________________________________________________________________

RMoqdisho,August 15, 2021 —Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Mamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo la heshiiyay dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay warar saacadihii la soo dhaafay Baraha Bulshada lagu faafinayay ee ahaa inay is khilaafeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo & Taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

Janan oo ka hadlay munaasabad uu kusoo bandhigayay in uu yahay musharax Xildhibaan ayaa sheegay in wararka lagu faafiyay Baraha Bulshada ee ahaa in uu baxsad ka yahay dowladda aysan waxba kajirin, isla markaana  uusan diyaar u aheyn Colaad.

Waxaa uu sheegay in uusan aheyn qof doonaya in uu noqdo mucaarad oo dagaalama, balse sidii shalay dadkiisa uu ugu naxay uguna diday in lagu dul dagaalamo uu weli go’aankaas ku taagan ahay, isla markaana xilligaan dalka uusan u bahneyn dagaal iyo Colaad.

Waxaa uu ku amaanay ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble sida uu u wajahayo xaalada dalka, waxaana uu ku baaqay in lagala Shaqeeyo wadida howlaha doorashooyinka, taasina uu isaga bilaabi doono.

“ Dad ayaa is weeydiinaya Cabdirashiid Janan maxaa ku dhacay side wax u jiraa, aniga waxaan  si Shaqsi ah u deganaa Guryo u dhow Xarunta Nabadsgida waana kasoo guuray, taas micnaheeduna maahan inaan qof la dagaalamay, balse aragtideyda aniga ayay gaar ii tahay ayuu yiri” C/Rashiid Janan.

Ugu dambeyn Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Mamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) aya ka hadlay xiisada ka taagan degmada Doolow, waxaana uu sheegay in Ciidamada ku sugan degmadaas uu ku wareejiyay dowladda Soomaaliya, isla markaana aysa n aheyn Ciidamo uu isaga leeyahay.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post