924 Views

Madaxweynayaasha Galmudug & Puntland oo kulmaya

Madaxweynayaasha Galmudug & Puntland oo kulmaya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 26. 2020–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa xalay ay ku wada hoydeen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyada oo la filayo inay wada kulmaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa la hadal waayay in labada Madaxweyne ay wada kulmi doonaan,iyaga oo ka wada hadli doona arrimo muhiim.

Qodobada ugu muhiimsan oo ay labada Madaxweyne ka wada hadli doonaan ayaa waxaa kamid ah Amniga Magaalada Gaalkacyo ee la dagaalanka Al-Shabaab iyo iskaashi la xiriira ka hortegida Colaad Beeleedyo ka dhaca degaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Amniga Magaalada Gaalkacyo ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo mas’uuliyiinta Maamulada Galmudug iyo Puntland ay la kulmi doonaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Gaalkacyo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post