330 Views

Howlgalo Culus Oo Ka Socda Beledweyn Oo Lagu Soo Qabtay Xubno Shabaab Ah

Howlgalo Culus Oo Ka Socda Beledweyn Oo Lagu Soo Qabtay Xubno Shabaab Ah
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 6, 2022

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgalo culus oo ciidamadda amniga ay ka wadaan magaalada Beledweyn oo Isniintii ay ka dhaceen qaraxyo ay ku geeriyoodeen 30 qof, halka 58 ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Howlgaladan oo lagu soo qab qabtay dad badan oo looga shakisan yahay iney ka tirsan yihiin Shabaab ama ay xiriir la leeyihiin ayaa haatan ku xiran xarumaha hay’adaha amniga, iyadoo howlgaladan ay bilowdeen habeenkii Talaadada.

Taliye Kuxigeenka Saldhigga Booliska Beledweyne, Bashiir Cadaani ayaa sheegay iney haatan amniga magaalada adkeeyeen, ayna xireen dhanka buundooyinka oo ay ku tuhunsan yihiin iney qaraxyada ka soo galaan.

“Hadda waxaan u malaynaa dhinac dambe oo ay ka soo geli karaan ma jirto, badanaa waxay ka yimaadaan buundooyinka, buundooyinkii oo dhana waan xirnay.” Ayuu yiri Taliye Kuxigeenka

Si kastaba, Beledweyne ayaa ahayd xudunta iyo halka laga abaabulo gulufka ballaaran ee ka socda gobolka, lana doonayo in lagu xoreeyo deegaanada ay mintidiinta Al Shabaab kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post