678 Views

Abiy Axmed “Maanta ayay ku egtahay muddadii loo qabtay inay isa soo dhiibaan Maleeshiyaadka Tigray”

Abiy Axmed   “Maanta ayay ku egtahay muddadii loo qabtay inay isa soo dhiibaan  Maleeshiyaadka  Tigray”
____________________________________________________________________________

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegay in howlgalka milateri ee ka soconaya gobolka Tigray uu galay wajigiisii ugu dambeeyay.

Abiya ayaa sheegay in maanta ay ku egtahay cafis uu u fidiyay ciidammada Tigray si ay mudadaaas isugu soo dhiibaan, illaa iyo haatanse ma ay jirto cid la shaaciyay inay isa soo dhiibtay.

Ugu yaraan 27,000 qof ayaa ilaa iyo haatan ka qaxay dagaallada kuwaas oo gaaray Suudaan, Qaramada Midoobey waxay ka walaacsan tahay xaaladda banii’aadanimo ee Tigray.

Dhanka kale madaxweynaha gobolka Tigray ayaa madaxda caalamka iyo kuwa Afrikaba ugu baaqay inay cambaareeyaan dagaalka uu ku eedeeyay inay soo qaadday dowladda federaalka.

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa ku eedeeyay xoggaga Tigray inay xasuuq ka geysteen gobolka halka eedeymahaas ay beeniyeenTPLF.

Guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya waxay sheegeen in koox gaar ah u dirayaan gobolka si ay usoo baaraan dilalka ka dhacay halkaas.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post