1686 Views

Illaa shan ruux oo ay ku jirto Sarkaalad Ciidan oo ku geeriyooday Qaraxii Daljirka Dahsoon

Illaa shan ruux oo ay ku jirto Sarkaalad Ciidan oo ku geeriyooday Qaraxii Daljirka Dahsoon
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 22, 2019–Ugu yaraan shan ruux ayaa ku geeriyootay, halka 10 kalena ku dhaawacmeen, kaddib qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay Koontarool Ciidanka NISA ku leeyihiin agagaarka Daljirka Dahsoon iyo Ex Baarlamaankii hore.

Xilliga qaraxa dhacayay ayaa la sheegay in gaadiid kala duwan ay safka koontaroolka ciidanka ku sugnaayeen, waxaa gaariga oo xowli ku socday uu isku qarxiyay koontaroolka.

 

Wararka ayaa sheegaya in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray Ciidamo, dad wadada marayay iyo gawaari goobta ku sugneyd oo ku sii jeeday wadada aada Madaxtooyada.

 

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Sarkaalad Ciidan oo lagu magacaabi jiray Col. Faay Cali Ragge oo ka mid aheyd Saraakiisha ciidanka xoogga dalka, sidoo kale seygeeda iyo Ilaalo la socotay ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay.

 

Labo Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa dhaawacyo fudud soo gaareen, waxaana qaraxa maanta uu ku soo aaday, xilli ammaanka Caasimadda si aad ah loo adkeeyay, isla markaana ay jireen feejignaan badan oo la xiriira in gaadiid qaraxyo sida ay ku jiraan magaalada.

 

Saameynta Qaraxan ayaa ah mid aad u weynaa oo magaalada oo dhan laga maqlay, iyadoo goobta qaraxa ka dhacay ay dhulka qoday, xajmiga qaraxa darteed.

 

Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka is qarxinta, waxaana ay baraha Internet-ka ee taageera lagu qoray in weerarka uu ka dhacay hareeraha Madaxtooyada, ayna beegsadeen Ciidamo iyo Mas’uuliyiin.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment