804 Views

“Doorasho qof & Cod ah waxa aan uga tanaasulay si aan Dalka u kala tagin” Madaxweyne Farmaajo

“Doorasho qof & Cod ah waxa aan uga tanaasulay si aan Dalka u kala tagin” Madaxweyne Farmaajo
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 19 2020—Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay Munaasabad lagu soo xiray Shirkii Wadatashiga DF iyo DG oo lagu qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay culeyskii siyaasadeed ee muddada wadahadalka uu socday.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in tanaasulaad badan uu ka yimid dhankiisa, gaar ahaan doorasho qof iyo cod ah, kadib markii madaxda maamul Goboleedyada ay go’aansadeen in la qabto doorasho dadban.

Duruufaha isbiirsaday ee sababay in ay meesha ka baxdo rajada doorashada uu ku haminayay ee qof iyo codka ah ayuu ku sifeeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo fasaxyo badan oo uu galay Baarlamaanka, Cudurka Covid-19 iyo duruufo kale.

“Markii aan arkay in haddii aan ku dhego doorasho qof iyo cod ah oo u baahan labo sano oo dheeraad ah, maadaama fasax badan uu galay baarlamaanka, dalka uu sameeyay Covid-19, aniga oo qiimeynaya midnimada iyo wadajirka ayaan uga tanaasulay ra’yigaas” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale waxa uu sheegay in isaga oo ilaalinaya midnimada Soomaaliya, isla markaana laga fogaanayo faragelin shisheeye in uu ka tanaasulay doorasho qof & cod ah, maadaama lagu qaban karo waqti dheeraad ah oo labo sano ah.

“Si aan shisheeye inoo soo faragelin ugana faaiideysan kala qaybsaneynteena iyo xasilooni darrada siyaasadeed ayaan uga fogaaday oo aan u badalay mowqifkeeda doorashada qofka iyo codka” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaaciyay in cashir laga bartay qabsoomidda Doorashada dadweyne, maadaama muddada ay howshaas ku howlaneed Dowladda Federaalka ay baratay Caqabadaha iyo qaabka looga gudbi karo.



Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post