1122 Views

Qorax Madoobaad saaka lagu arkay Soomaaliya

Qorax Madoobaad saaka lagu arkay Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 21, 2020–Inta badan Soomaaliya ayaa waxaa Maanta laga arkay qorax Madoobaad,kadib markii qeyb kamid ah qoraxda ay madoobaatay.

Magaalada muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa siweyn looga dareemay Qorax Madoobaadka,waxaana ,Culimada falaga ay horay u sheegeen in 21 bisha June oo Maanta ah ay dhacayso Partial Eclipse.

Qorrax-madoobaadka noocan ah waxa loo yaqaan Annular Eclipse waa marka uu dayaxu isku gudbo iftiinka qorraxda balse uusan si buuxda u wada qarin oo ay qorraxdu hareeraheeda ka iftiimayso.

Masajidyada ku yaalla Magaalada muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa waxaa ka bilaawday salaatul jaamica, iyada oo markasta markii ay dhacaan arrimahaan oo kale ay bilaawdaan salaadaha.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post