1035 Views

Nin ku tilmaamay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu yahay ‘ Kaligii taliye

Nin ku tilmaamay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu yahay ‘ Kaligii taliye
____________________________________________________________________________

Axad: July 4, 2021

Mikhail Khodorkovsky, oo ah ninka ugu caansan ee dib joog ah ee dhaleeceeya Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa waxa uu hogaamiyayaasha reer Galbeedka uga digay inay ka taxadaraan wadahadalka ay la galayaan hogaamiyaha Ruushka.

Mr Khodorkovsky ayaa waxa uu BBCda u sheegay inay tahay inay maanka ku hayaan inay la tacaamulayaan jiray aanan qiyamkooda la wadaagin.

Waxa uu sheegay in haddii aanay khad cas dhigan ay halis ugu jiraan in jiraydu ay guulaystaan.

Jarmalka iyo Faransiiska ayaa waxa ay wadaan dedaallo ay heer Midowga Yurub ah dib ugu bilaabayaan wadahadallada ay kula jireen madaxweyne Putin.

Mr Khodorkovsky ayaa waxa uu ahaa nin qani ah oo saliidda ka shaqeysta illa markii eedo musuq maasuq loo xiray sanadkii 2005-tii.

Hay’addiisa Open Russia Foundation, oo ardayda maalgelin jirtay ayaa waxaa la xukmiyay inaanan looga baahnayn waddanka Ruushka, bishii May-na waxa ay joojisay howlihii ay dalkaasi ka wadday si dadka u shaqaynayay ay uga baajiso in la maxkamadeeyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post