1647 Views

Shirweyne Maanta ka furmay Hargeysa

Shirweyne Maanta ka furmay Hargeysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 10, 2018–Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u daah-furay shirweyne heer sare ah oo lagu falanqaynayo guulihii ay Somaliland gaartay muddadii 27-ka sano ahayd ee ay jirtey iyo caqabadihii soo wajahay, kaas oo ay kasoo qayb-galeen wufuud caalami ah oo ka socota dalal kala duwan oo dunida ah, hay’addo diblomaasiyiin, siyaasiyiin, safiirro, shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, xildhibaanno, hoggaanka axsaabta qaranka, , haldoor ka socday dalalka Jaarka ee Jabuuti iyo Itoobiya iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

Shirkan oo ay kasoo qayb-galeen wufuud ka socota In ka badan 20 (labaatan) dal oo kamid ah dalalka dunida, isla markaana ay soo abaabushay wasaaradda arrimaha dibadda  Somaliland, ayaa laga jeediyey hadallo salka ku haya guulihii ay Somaliland gaartay iyada oo aan cid kale gacan ka helin, jidka dheer ee ay usoo martay halka ay maanta taagan tahay iyo waliba caqabadaha hortaagan ee u baahan in meesha laga saaro.
Xubno isugu jira xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo diblomaasiyiin ka kala socday dalalka caalamka oo halkaas ka hadlay, ayaa si isku mid ah Jamhuuriyadda Somaliland ugu bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay gaadhay muddadii ay jirtey, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay Somaliland kala shaqayn doonaan sidii ay uga gudbi lahayd dhammaanba wixii caqabado ah ee horyaalla.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo si rasmi ah shirweynahan u daah-furay, ayaa isaguna ku dheeraaday sidii ay shacabka reer Somaliland ugu soo dhabar-adaygeen inay noqdaan qaran taabbo-gal ah oo isku filan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Somaliland waxa ay taariikhda ku gashay inay tahay dalka qudha ee gudihiisa kaligii taliye kula dagallaamay ee uu u adeegsaday inuu diyaarado ku dumiyo magaalooyinkii ee haddanna ka guulaystay adkaysigooda iyo niyad-adaygooda birta ah. Waxa kale oo ay Somaliland taariikhda ku gashay in iyada oo dagaalka intaas le’egi ku dhacay oo dadka colaad lagu dhex abuuray inay haddana iyadu dhisto dawladnimo iyo midnimo iyada oo aan cid kale u oggolaan inay soo faro-geliyaan”.

Shirweynahan lagu gorfaynayo guulihii ay Somaliland gaadhay muddadii 27-ka sano ahayd ee ay jirtey iyo caqabadaha ka horyimi, ayaa socon doona muddo laba maalmood ah, waxana lagu wadaagi doonaa aragtiyo aqoon ku dhisan oo la xidhiidha sidii looga gudbi lahaa wax kasta oo lugta qaban kara hiigsiga fog ee qarankani leeyahay.

m1 m2

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment