924 Views

Guddoomiyaha Golaha ammaanka iyo Nabadgalyada Midowga Afrika ahna Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata oo ka hadlay.

Guddoomiyaha Golaha ammaanka iyo Nabadgalyada Midowga Afrika ahna Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata oo ka hadlay.
____________________________________________________________________________

.

April 20-2021

Guddoomiyaha Golaha ammaanka iyo Nabadgalyada ee Midowga Afrika ahna Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin khilafka xilligan ka jira qaar kamid ah wadamada Afrika.

Madaxweyne Kenyatta oo hadal ka jeedinayay dood ay yeesheen xubnaha Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa sheega in uu sii kordhayo khilafka ka dhex-jira dalalka Afrika , isaga oo ku baaqay in la iska kaashado sidii xal loogu heli lahaa ismari waa’ kasta oo jira.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata waxaa uu sheegay in xasiloonida ay tahay arrin aad looga baahan yahay qaaradda, isla markaana muhiim tahay inay dowladaha ka wada Shaqeeyaan.

Sidoo kale Hadalka Madaxweynaha Kenya ayaa kusoo aadaya xilli uu jiro khilafka salka ku haaya Wabiga Nile uu u dhaxeeyo dalalka Suudaan, Itoobiya & Masar, sidoo kale khilaf siyaasadeed uu ka dhex-jiro dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

OFFice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post