252 Views

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaadhay Magaalada Jabuuti ee Caasimada Jamhuuriyada Jabuuti.

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo oo  gaadhay Magaalada Jabuuti ee Caasimada Jamhuuriyada Jabuuti.
____________________________________________________________________________

Isniin:  January 16 2023

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaadhay Magaalada Jabuuti ee Caasimada Jamhuuriyada Jabuuti.

Madoobe oo wafdigiisa ay kamid yihiin Wasiirada Amniga, Maaliyada, Ganacsiga, iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Jubaland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha jabuuti kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimaha dibada jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo masuuliyiin kale oo katirsan Dowlada Jabuuti.

Waxaa Madaxweynahu uu dalkan jabuuti ku yimid booqasho rasmi ah oo qaadan doonta mudo Sadex maalmood ah kadib Markii uu casuumaad ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadli doonan arrimaha siyaasadda, sida ay xaqiijinayaan wararka lahelayo.

Geele ayaa soo dhaweysanaya dhinacyada siyaasadeed ee kasoo horjeeday Xukunkii Farmaajo, marka laga reebo Siciid Deni oo diiday dhawaan in uu la fariisto.

Booqashadan ayaa kusoo beegmaysa, xili ay siyaasadda Soomaaliya sii dhamaanayaan maalmihii aamuska oo ay abuuri doonan kooxo siyaasadeedyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post