765 Views

Musharax Dr Maxamed Jeelle oo kursiga tirsigiisu yahay HOP#104 ku guuleystay Guddoomiye Cawad oo shaaciyey tacadiyo loo geystay.

Musharax Dr Maxamed Jeelle oo kursiga tirsigiisu yahay HOP#104 ku guuleystay Guddoomiye Cawad oo  shaaciyey tacadiyo loo geystay.
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 8, 2021

Musharax Dr Maxamed Jeelle oo kamid ahaa musharaxiinta kursiga tirsigiisu yahay HOP#104, kaasi oo uu ku guuleystay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka Mahad Cawad, ayaa shaaciyey tacadiyo loo geystay.

Musharaxa ayaa shaaciyey in loo hanjabay si looga horistaago in uu isku sharaxo kursigaas, islamarkaana loo diiday in uu qaato warqada dembi la’aanta ee CID-da.

“Faraha iska soo qaada oo dembi la’aanta soo qaata ayaa nala yiri, marka meeshii tagnay waxa nala yiri guddiga doorashada waa in uu warqad noo soo dira oo uu dhah hebel ka qaada faraha,” ayuu yiri.

“Guddiga ayaa raadinay meel ayey ku xareysan yihiin telefoonadoodiina waa xiran yahay, marka meesha ugu tagno askartii waxay leeyihiin xiriir la sameeya, yaa xiriir la sameyna? telefoonadii waa xiran yihiine.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in maalintii ay dhaceysay doorashada huteelkii ay daganaayeen lagu soo wareejiyay ciidamo, tallaabadaasi oo uu ku sheegay inay qeyb ka tahay in laga hor istaago doorashada.

“Huteelka aan daganahay ciidan ayaa lagu soo wareejiyay, waxaa noo yimid Taliyaha Saldhiga Dhuusamareeb Gaashaanle Maxamed, ma hadli kartaan oo halkaa joogtan hadda kasoo baxdan waxa idinku dhaca idinka ka mas’uul ah ayuu nagu yiri.”

Kursiga laga hor istaagay musharax Jeelle ayaa waxaa ku guuleystay Mahad Cabdalla Cawad, oo asagu hore ugu fadhiyay, sida uu shaaciyey Guddiga doorashooyinka Galmudug.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa inta badan waxaa ka dhashay cabashooyin la xiriir is hortaag lagu sameeyay musharaxiinta iyo Nabaddoonada rasmiga ahaa, taasi oo mugdi gelisay hufnaanta doorashada socota.

By Guuleed Muuse 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post