1047 Views

DFS iyo Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida Garaad Maxamuud Mashqare

DFS iyo Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida Garaad Maxamuud Mashqare
____________________________________________________________________________

Sabti: April 2, 2022

Allah ha u naxariisto waxaa dalka Turkiga ku geeryooday Garaad Maxamuud Cismaan  Mashqare oo ka mid ahaa Isimada dhaqanka DG Puntland.

Qoraal kasoo baxay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu tacsiyeeyay geerida marxuumka.

“Alle ha u naxariisto Garaad Maxamuud Cismaan  Mashqare oo ku geeriyooday dalka Turkiga, wuxuu ka mid ahaa Isimada Puntland, isagoo waxbadan kasoo shaqeeyay nabadda, arrimaha Bulshada iyo horumarka.” Ayaa lagu yiri qoraalka Deni.

Sidoo kale wuxuu yiri “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan hoggaanka dhaqanka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliyeed, si gaar ah waxaan ugu tacsiyeynaya eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday, marxuumka alle janadii ha geeyo ehelkiisana samir iyo iimaan alle ha kasiiyo aamiin.”

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyey geerida ku timid marxuumka, isagoo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare oo ku geeriyoodey dalka Turkiga.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Garaad Mashqare uu ahaa hoggaan dhaqan oo lagu yaqiinnay Alle ka cabsi iyo cibaado badan, door muhiim ahna ka qaata midnimada, wadajir, nabad ku wada noolaanshaha iyo dib-u-heshiisiinta bulshada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post