1062 Views

Waddo muhiim u ah Muqdisho oo maanta dib loo furay kadib muddo ay xirneyd

Waddo muhiim u ah Muqdisho oo maanta dib loo furay kadib muddo ay xirneyd
____________________________________________________________________________

Arbaco: September 1, 2021

 Waxaa maanta dib loo furay waddada Kuliyada oo muddooyinkii lasoo dhaafay u xirneyd sababo amni, kadib markii cabashooyin dhowr ah loo gudbiyey maamulka gobolka Banaadir, markii uu hakad ku yimid isku socodka magaalada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo howlo kormeer ah ku sameeyay dhismaha Waddada dheer ee degmada Deyniile oo meel wanaagsan mareysa, ayaa sidoo kale wadadaasna dib u furay.

Dhismaha waddada dheer ee degmada Deyniile ayaa ayaduna muhiim u ah isku socodka caasimadda iyo dalxiiska deegaanka, waxayna mas’uuliyiinta ku sameeyeen kormeer socod ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay isku tashi iyo in caasimadda la hormariyo.

Ugu dambeyntiina waxa uu guddoomiye Filish dib u furay goobaha Biya-mareenka ah oo ay dowlada hoose Xamar mudooyinkii u dambeysay ka waday howlo dib u habeyn ah.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post