1986 Views

Burcad hub beenbeen ah dadka ku dhacayay oo lagu qabtay Muqdisho

Burcad hub beenbeen ah dadka ku dhacayay oo lagu qabtay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 14, 2018 –  Maamulka degmada Warta-Nabada ee magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay labo ruux oo dhalinyaro ah kuwaasoo lagu eedeeyay inay dhac ka geysanayeen xaafado ka mid ah degmada Warta-Nabada.

Labadan ruux ee dhalinyarada ah ayaa waxaa ay dhaca ku geysanayeen bistoolado been abuur ah kuwaasoo ka sameysnaa alwaax iyadoo goobta lagu soo bandhigayayna uu joogay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Inj Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow,guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Maxamuud Warsame Xaabseey,iyo saraakiil ka socotay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Maxamuud Warsame Xaabseey ayaa sheegtay in shacabka ku nool Xaafadaha degmada Wartanadbada ay ka qeyb qaateen soo qabashada raggaas burcad ah,iyada oo uga mahadcelisay dadaalkii ay sameyeen,waxa ayna kula dardaarantay in marwalba ay la Shaqeeyaan Ciidamada Amniga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho En,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa isna dhankiisa waxa uu uga mahadceliyey shacabka Degmada Wartanabada sidii ay uga qeyb qaateen soo qabashada raggaas Burcad ah,waxaana ugu baaqay in ay ka dhabeeyaan la Shaqeynta dowladda,isla markaana raggaas cadaalada lahorgeyn doono.

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment