564 Views

Galmudug iyo Dowladda oo Alshabaab ka Furtay Hub iyo Gaadiid Askarna ka dilay

Galmudug iyo Dowladda oo Alshabaab ka Furtay Hub iyo Gaadiid Askarna ka dilay
____________________________________________________________________________

Axad: January 23, 2022

Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmadda Guriceel Abdishakuur Indho, Taliyaha Guutada 17-aad ee Gorgor Gaashaanle dhexe Dayax Cabdi cabdulle iyo Kusimaha Guutada 15aa, Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xogga Axmed Dabeyl oo Warbaahinta Galgaduud la hadlay ayaa sheegay in howlgallo qorsheysan oo wadajir u fuliyeen Ciidamadda Dowladda Somalia iyo kuwa Galmudug ay ku dileen Dagaalamamayaal ka tirsan Al-shababaab, kuna qabsadeen Gaari ay wateen oo ah nuuca loo yaqaan PRADO

Saraakiisha iyo Maamulka Degmadda ayaa xussay in Howlgalkan uu ka dhacay deegaano dhanka koofureed kaga beegan degmadda Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxa ay intaas ku dareen in Gaariga ay qabteen lagu waday dagalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo xirnaa jaakado ay ku xirnaayeen Qaraxyo.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post