1536 Views

Mexico oo masaafurinaysa muhaajiriin xadka Maraykanka u talaabi raba

Mexico oo masaafurinaysa muhaajiriin xadka Maraykanka u talaabi raba
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 26, 2018 Dowladda Mexico ayaa sheegtay inay tarxiili doonto ku dhawaad 500 oo qof oo muhaajiriin kuwaasi oo isku deyay inay xog uga gudban xadka dalkaasi u la wadaago Maraykanka.

War qoraal ah oo ka soo baxay  wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in dadka muhaajiriinta ay isku deyayeen in xadka uga talaabaan si sharci darro ah oo rabshadaysan.

Muqaal fiidiyoow ah oo laga soo duubay ayaa muujinaya tiro dad ah oo ay kamid yihiin dumar iyo caruur oo kusii ordaya xeyndaabka xadka labada dal ee u dhaw magaalada Tijuana.

Cidammada ilaalada xadka ee Mareykanka ayaa muhaajiriinta uu adeegsaday suntan dadka ka ilmeeysiisa.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Mexico ayaa sheegay in dhamaan dadka la aqoonsaday ee isku deyaayay inay xadka ka talaabaan la tarxiili doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

Xisaadda ayaa sare u sii kacaysay tan iyo markii magaalada Tijuana ay soo gaaren kumanaan muhaajiriin ah horaanti bishan.

Dadka muhaajiriinta ah oo ka kala yimid dalalka bartamaha Amerika oo soo safray masaafo dhan 4 kun oo kiloomitir ayaa ku sugan magaalada Tijuana oo ku taala xadka Mareykanka uu la wadaago wadanka Mexico.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment