1032 Views

koox Hubeysan oo haweeney xaamilo ah ku dilay Deegaan ka tirsan Galmudug.

koox Hubeysan oo haweeney xaamilo ah ku dilay Deegaan ka tirsan Galmudug.
____________________________________________________________________________

Sabti: February 12, 2022

Wararka ka imaanayo deegaanka Kaxan-dhaalle ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in Koox hubeysan ay aano qabiil degaankaasi ugu dileen Haweeney Xaamilo ah oo lagu magacaabi jiray Hodan Cabdi Jaamac, Wararka ayaa intaasi ku daraya, in ay isla goobta ku dhaawaceen haween kale oo xoolo dhaqato ahaa oo halkaasi ku sugnaa.

Dilka kadib Meydka marxuumada ayaa la geeyay Magaalada Galinsoor, iyadoona goordhaw halkaasi lagu aasey.

Aaska Marxuumadda kadib, madaxda iyo Odayaasha Galinsoor ayaa sheegay in falka dhacey oo uu ka fogyahay diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomalida.

Waxa ay intaasi ku darayaan in uu keeni karo falal kale oo fool xun, hadii aan Maamulada dariska ah ee Galmudug iyo DDS aysan xaalada soo fara-galin.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Galmudug iyo DDS oo la xiiriira dilka, Waxaa uuna dilkaani uu imaanayaa xili ay halaasi ka taagan tahay xiisad kacsanan ah oo ka xiriirta labo maleeshiyo beleed oo halkaasi ku dagaalamay mudooyinkii lasoo dhaafay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post